Fududeeyaha Tababarka

Barnaamijka Parent Connect (Isku-xirka Waalidiinta) wuxuu la-hawlgalayaa bulshooyinka muhaajiriinta iyo qaxootiga isaga oo abaabulaya hooyooyinka daneynaya dhisidda bulshada. Waxaannu la shaqeynaa haweenka doonaya in ay si qoto dheer oo aad wax-ku-ool ah ugu qayb-galaan adduunka waxaanna ka taageernaa ka-qayb-galayaasheenna go’aaminta kheyraadka, barashada, iyo xiriirada ay u baahanyihiin.

Waxaannu aaminsanahay qof kasta in uu leeyahay cod iyo go’aan isaga u gaar ah, waxaannu bixinaa goob ay ka soo baxaan codadkaasi.

 

Iyada oo loo marayo wada hadalka iyo is-dhexgalka kooxeed ayaa haweenku waxaa ay dhisaan xiriirrada iyo kalsoonida naftooda iyo midba midka kale ee ay ku qabaan. Waxa soo ifbaxa muddo ka-dib waa aqoonta iyo kalsoonida lagu go’aaminayo oo lagu gaarayo yoolal, lagu muujinayo baahida, lagu helayo kheyraad lagu xannaaneeyo qoysas adag oo lagu dhiso bulshooyin ammaan ah oo kobcaya.

 

Haddii aad daneynayso fududeynta barnaamijka Parent Connect ee bulshadaada Heartland Democracy (Dimuqraadiyadda Heartland) ayaa waxaa ay bixinaysaa tababar laguugu qalabeynayo qalabka iyo kheyraadka loo baahanyahay.

 

Taariikhaha: Khamiis iyo Jimco 2da iyo 3da Maajo

Wakhtiga: 9:00 AM- 4:00 PM

Goobta: The MN Humanities Center, 987 Ivy Avenue East, St Paul, MN 55106

Taariikhda Kama-dambeysta ee Diiwaangelinta: Jimco, 19-ka Abriil

 

Xirfadaha luuqadda Ingiriiska ee xaddidan waa la soo dhoweynayaa; turjumaanno ayaa la heli karaa haddii loo baahanyahay.

 

Tababarku waa lacag la’aan.

 

Wixii macluumaad dheeraad ah iyo diiwaangelintaba fadlan kala xiriir Betsy Sitkoff ii-maylkan sitkoffb@gmail.com

%d bloggers like this: